Sawirro: Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xooga dalka oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka

14 July 2018 (Puntlandes) Magaalada Garbahaarey ee Caasimadda gobolka Gedo waxaa maanta lagu qabtay Munaasabad uu xilka kula wareegaayay Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka Sareeyo Guuto Cali Maxamed Maxamuud.

Goobta ay ka dhacday xil wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in aysan ka qeyb galin Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.

Taliyaha ayaa waxaa uu Khudbad u jeediyay Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay qaadi doonaan howlgallo ballaaran.

Maamulka Jubbaland ayaa diiday taliyaha in uu kasoo degto Magaalada Kismaayo oo uu ku yaalla taliska ka mid ah qeybta 43-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaanu ka cudur daaranaynaa warkayagii hore in aanu ku sheegnay in Taliyuhu uu xilka kula wareegi doono magaalada Baardheere taasoo aan sax ahayan.

Daawo sawirrada
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12
Puntlandes.com

About The Author