Muuse Biixi oo Casuumad u fidisay Qalbi Dhagax (Muuqaalo)

14 July 2018 (Puntlandes) Maamulka Jeegaanta ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa Casuumad u fidisay Qalbi Dhagax, oo dhowaan ay sii daysay dawladda Itoobiya
44a5

Faysal Cali Waraabeoo ku hadlayey afka Muuse Biixi ayaa maanta sheegay in Somaliland ay Cabdikariin Qalbi dhagax ku casuumeen Hargaysa.

Waxa uuna sheegay inay si weyna u soo dhaweyn doonaan,Qalbi Dhagax, waxaana ka dambeeyey hadlakii amaanta ahaa ee uu Qabi dhgax Nairobi uga sheegay Muuse Biixi iyo isagoo ka dhigay inay Puntland ay isku hayaan maamulka Muuse Biixi wax aan jirin oo uu ku tilmaamay Boos ama Bugcad.

Waa kan hadalkii Muuse ugu yeertay Qabi dhagax, uuna ku wwaayey shacbiyad badan oo u hayey taageero.

Bal daymood Faysal cali waraabe oo Abaabnaya Qalbi dhagax Tukaraq na sida Qalbi dhagax ka dhigay in dulmi lagu soo weerarayo calaacalayna.

Puntlandes.com

About The Author