Puntland: Suldaan Garaase oo beeniyey war ay sheegeen Salaadiin & Ganacsato Muuse Biixi usoo dirsaday Garowe

15 July 2018 (Puntlandes) Suldaan Saciid Mahamad Garaase oo ka mid ah Isimada Puntland ayaa beeniyey war ay sheegeen Salaadiin & Ganacsato uu madaxweynaha maamulka Jeegaanta Muuse Biixi usoo wakiishay inay wadahadal nabadeed la galaan Puntland, kaasoo ku saabsanaa Colaada ka aloosan gobolka Sool gaar ahaan Tukaraq.

36a8
Suldaanka ayaa sheegay inay u sheegeen Salaadiintaas inaysan wax wadahadal ah dawlad iyo Isimo ahaanba ka gelayn inta uu maamulka Muuse Biixi ku sugan yahay dhulka Puntland, waana inay tagaan Labida Gaatama halkaas oo ah xadka u dhexeeya labada maamul.

Daawo waraysiga Suldaanka oo beeninaya warkii ay sheegeen  Salaadiintii & Ganacsatadii uu Garowe u dirsaday Muuse Biixi

Waa kuwan Salaadiintii & Ganacsatadii uu Garowe u dirsaday Muuse Biixi oo Hargaysa markay ku noqdeen maanta ka sheegay inay heshiis lasoo gaareen Puntland

Puntlandes.com

About The Author