Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida oo shaqo joojin ku sameeyay Kuxigeenadiisa

16 July 2018 (Puntlandes) Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqo joojin ku sameeyay kuxigeenadiisa 1aad iyo labaad ee Hey’adda.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha Hey’adda NISA oo ku taariikheysnaa 16-kii bishan July oo maanta ku beegan ayaa waxaa shaqada looga joojiyay Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Col. C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano Jaamac.

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa xilka kuxigeenka NISA loo magacaabay sanad ka hor, kaasoo ku yimid dalabka Agaasimihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe.

Sidoo kale Jen. Cabdalla Cabdalla ayaa muddo ahaa kuxigeenka Agaasimaha NISA illaa xilligii dowladdii Xasan Sheekh, waxaana uu u soo joogay is bedeladii ku dhacayay Taliyeyaashii isaga kala dambeeyay ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka.

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Agaasimaha Hey’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa waxaa lagu faray dhamaan qeybaha iyo hoggaanada hey’adda NISA inay u hoggaansamaan amarkan shaqo joojinta.

50

About The Author