Xaggee ku ogayd Duqii Magaalada Gaalkayo?

1250

Waxay ahayd 20 kii abril 2014 markii Golaha degaanka magaalada gaalkacyo uu u Doortay Duqa magaalada Cabdicasiis Jaamac Nugaal halka ku xigeena uu u Doortay Yacquub Maxamed Cabdulle. Doorashadaasi ma aysan ahayn mid ku timid Xor iyo xalaal ee waxay ahayd mid uu hoosta ka maamulayey madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo doonayey in la Doorto ninka uu watay oo ahaa Cabdicasiis Jaamac Nugaal

Mr Nugaal wuxuu ku soo baxay Doorasho musuqmaasuq ahayd oo lacag la siiyay golihii deegaanka ee doortay waxana arinkaa ka shaqeeyay madaxweyne Dr Gaas. Isagoo isugu daray Golaha Degaanka balanqaad jago iyo lacag uu siiyey

Wuxuu kaloo Mr Nugaal tageero lixaad leh ka helay markaas Mr Gaadayare. Wuxuu ku guulaystay codad yar 13 cod oo kaliya.

Hadaba 8 bilood ka dib mee Duqii magaalada gaalkacyo Mr Nugaal oo uu Gaas keensaday? Muxuu u qabtay reer Gaalkacyood?

Waxgarad farabadan oo reer Gaalkacyood ah ayaa u sheegay warbaahinta madaxa banaan ee Puntlandes.com in uusan Duqa magaaladu xafiiskaba soo Xaadirin shaqo uu qabto iskaba daaye. Dadwaynaha ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa aad u dhaliishan waxqabadka Mr Nugaal waxayna eedeeda u saarayaan madaxweynaha Puntland oo si Musuqmaasuqa ku keenay iyagoo aysan dooran reer Gaalkacyood. Sababta uu madaxweyne Gaas u soo xushay Mr Nugaal ayaa loo xaqiijiyey Puntlandes.com in ay tahay isagoo ka tirsan Kooxda ay reer Gaalkacyoodku u yaqaanaan Isbaaroolayda magaalada Gaalkacyo.
Puntlandes.com

About The Author