Dhagayso: Wasiirka Waxbarshada Puntland oo dalbanaya in la hirgaliyo heshiiskii DFS & Puntland ay kala saxiixdeen 14 okt 2014

Gaalkacyo (Pes) Wasiirka Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta sare Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa shaaca ka qaaday in aan la fulin Heshiiskii ay wada galeen Puntland iyo DFS 14 okt 2014. Heshiiskaas ayaa waxaa dawlada Puntland la saxiixay Raysul Wasaarihii shaqada laga eryey Cabdiwali Sheekh.
Wasiir Cali Xaaji ayaa yiri mar uu ka hadlayey kalsooni kala noqoshadii RW Cabdiwali ”Raysul Wasaarihii Puntland tagaa xilkiisa waa uu waayaa, ayaa la yiri”

Wasiir Cali Xaaji waxa uu ku dheeraaday aadna u sharxay muhiimada uu lahaa Heshiiskaa isagoo koobayey Heshiiskaasi waxyaalo badan oo la isku hayey oo ay ka mid ahaayeen:

  1. Waxbarashada
  2. Deeqaha dibada laga helo
  3. Xuduudaha Puntland
  4. Maalgashiga Puntland
  5. Iyo kuwa kale

Wasiir Cali Xaaji waxa uu ka hadlay muhiimada ay leedahay in la is aaminaa oo la fuliyaa wixii lagu heshiiyey. Taaso buu yiri Wasiirka ay Soomaalinimadu ku jirto.

Halkan ka dhagayso Wasiir Cali Xaaji


Puntlandes.com

About The Author