DAAWO SIYAASI BUUBAA OO SHEEGAY IN MUUSE BIIXI KA COBSADAY INUU WADA HADALSIIYO PUNTLAND

16 July 2018 (Puntlandes) Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta Xisbiga WADANI oo dhawaan kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuxe Biixi Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyey wuxuu daaranaa kulankaas oo aad looga hadlay saxaafadda.

51

Siyaasi Buubaa ayaa sheegay inay ka wada hadleen Muuse Biixi 5 qodob oo kala ahaa:

  1. Isbedelka ka socda Itoobiya iyo saamaynta uu ku yeelanayo Somaliland iyo Soomaaliya
  2. Wada hadalka Somaliland iyo Somalila
  3. Tukaraq
  4. Ceel Afweyn
  5. Shirkii Garxajis ee Buurta Gacan Libaax

 

Tukaraq

Siyaasi Buubaa ayaa sheegay in Muuse Biixi ka cadsaday inuu la hadlo Siyaasiyiinta iyo qof kasta oo ay iska garanayaan Puntland maadaama ay mudo soo wada shaqeeyeen, si xal waara looga gaaro arinta ka taagan Tukaraq ee xiligan ka dhex taagan Puntland iyo Somailand.

Siyaasi Buubaa ayaa yiri ”Tukaraq iyo dhinacaa Puntland amaba reerkaa Majeerteen, haa madaxweynaha waan isla soo qaadnay, dad badan baanu iska naqaanay, in Somaliland aysan dagaal rabin oo si wanaagsan arintaas loo xaliyo Muuse waanu ka wada hadalnay, waana uu iga dalbaday in aan gaarsiiyo dad badan oo Beeshaas kasoo jeeda oo aanu is naqaano, waana ku dhex jiraa, dad badana aad bay ugu soo joogsadeen arintaas oo kale, laakiinse waxay u baahan tahay, iminkana waxaan maqlayaa wefdiyaal kala duwan baa la diray, qaarkood dawladu ay ka dambayso, ma jecli anigoon ”faahfaahin” wada ogayn inaan wax tacliiqa ka bixiyo laakiinse arintaasi runtii dee waa u baahan tahay in Somaliland aysan maanta dhibaato rabin”

Madaxweynaha Maamulka Jeegaanta Muuse Biixi oo weerar gardaro ah kusoo qaaday Puntland 8dii janaayo 2018ka oo uu qabsaday Tukaraq, horayna u haystay dhul Puntland, kana diiday Beesha Caalamka inuu dib u laabto, waxay ku haboonayd inuu ka fiirsado, inuutan oran “Awoowayaashiin waraysta, sida awoowayaashayo uga adkayeen”, intuusan soo weerarin Puntland, inta uu hada ku waashay inuu marba Salaadiin, Odoyaal, Cuqaal, Siyaasiyiin iyo ganacsato usoo diro Puntland isagoo doonaya inuu kusii nagaado dhulka Puntland oo uu ku doodayo Ingiriis ayaa i siiyey.

Daawo Siyaasi Buubaa oo ka hadlaya arinkaas

Puntlandes.com

About The Author