Wafdiga Jubaland oo waqti kooban diiday inay ka qeyb galaan furitaanka Shirka Brussels

16 July 2018 (Puntlandes) Wafdiga Jubaland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa diiday inay ka qeyb galaan Shirka Brussels oo goor dhow furmay.

45a

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Jubaland ay go’aasadeen in aysan ka qeyb gelin shirka, iyagoo ku andacoonaya in wax ka bedel lagu sameeyay ajandaha shirka iyo in la jebiyay hab maamuuskii furitaanka shirka.

Tallaabadan ayaa dhacday daqiiqadihii u dambeeyay ee diyaar garowga shirka Brussels, waxaana madasha uu shirka ka socdo soo gelin Wafdigii uu hoggaaminayay Axmed Madoobe.

Madaxda kale ee dawlad goboleedyada iyo wafuuda wehlisa sida Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa shirka furitaankiisa ka qeyb galay.

Dadaal badan ka dib waxaa lagu qanciyey Axmed Madoobe inuu ka qayb galo shirka, isagoo ogolaadan inuu sharuud la’aan ka qayb galo shirka.

Arrintan ayaa imaaneysa, iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Axmed Madoobe, kaasoo keenay in jimcihii uu garoonka Kismaayo ka celiyo Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka oo dowladdu soo magacawday.

Puntlandes.com

About The Author