Sawirro: Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa magaalada Brussles Kulan Kula Qaatay Ambassador ka Sweden Ee Africa

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku Sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium,ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17 July 2018 kulan gaar ah la qaatay Ambassador ka Sweden Ee Africa Helena Grondahl Rietz.

Kulanka uu Madaxweynaha Dawladda Puntland uu laqaatay marwo Helena ayaa waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, iyadoo si gaar ah uu kulanku ugu saabsanaa xoojinta xidhiidhka horumarineed ee ka dhexeeya Puntland iyo Sweden.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday xoojinta Mashaariicaha horumarineed ee Dawladda Sweden ay ka caawiso Puntlnad iyo Sidii layskaga Kaashan lahaa dhicanyada Horumarinta dhaqaalaha, deeqaha iyo ammaanka guud ee geeska Afrika.

Dhinaca kale Danjiraha ayaa geesteeda sheegtay inay Dowladeedu diyaar u tahay sidii ay Dowladda Puntland uga caawin lahayd kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii mashaariic tayo leh Puntlanad uga fulin lahayd Dawladda Sweden.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dowladda Swedan uga mahad celiyay wada shaqeynta wanaagsan ee ay la leedahay Dowladda Puntland, isla’ markaana sheegay in Dowladda Puntlnad sii xoojinayso xidhiidhka dhow ee ay la leedahay Dowladda Sweden.

44a9a6

44a9a7

44a9a8

44a9a9
Puntlndes.com

About The Author