Sawirro: Madaxweynaha Dowladda Puntland Ayaa Magaalada Brussles Kaga Qayb Galay Shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya

Madaxweybaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 16 July iyo 17 July waxaa uu magalada Brussles ee dalka Belgium kaga qayb galay shir looga hadlayo danaha iyo geesi socodka nabada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa shirkan ku wehelinayey qaar kamida golaha xukumadda Dowladda Puntland iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhinaca kale shirkan oo looga hadlayey danaha iyo geedi socodka nabada Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ah madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Kuwa Dowladdaha xubanaha ka ah DFS iyo beesha caalamka oo shirkani soo qaban qaabisay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maalinimadii shalay shirka khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka waramay xaalada adag ee ka jirta Soomaaliya, hanaanka dumuqraadiyada iyo geedi socodka xasilinta Soomaaliya iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa beesha caalamka ugu waramay horumarka baaxada leh ee ka socda Puntland, markaad eegto dhinaca amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta Dimquraadiyada oo Puntlnad meel wanaagsan ay marayso, sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tibaaxay dagaalka Tukaraq iyo fara gelinta qaawan ee xuduudaha Puntland maamulka Soomaaliland uu ku hayo.

Ugudanbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Soomaliya u rajeeyey inay cagta saarto dhabada nabada iyo horumarka, isagoo dhinaca kale sheegay in madaxda Soomaaliya looga baahan yahay hogaamin wanaagsan iyo daacadnimo.

44a9

44a9a

44a9a1

44a9a2

44a9a3

44a9a4
Puntlndes.com

About The Author