Daawo: Feysal Cali Waraabe oo ka warbixiyay kulan uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyey oo ay uga wada hadleen arimo badan.

44b3a3

Faysal ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu kala hadlay in Soomaali ay mid tahay, isla markaana la qeybsado kheyraadka, dagaalka Tukaraq na la joojiyo.

“Waxaa Farmaajo kala hadalnay sidii deeqaha loo qeybsan lahaa, dagaalka loo joojin lahaa, sidii jawi wanaagsan loo abuuri lahaa, Soomaalida wadadii lagu jabay laga leecin lahaa oo wado wanaagsan oo nabad lagu keeno, intaas dhan waa isku afgaranay”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo wareysi siiyay Idaacada BBC isagoo ku sugan magaalada Brussels.

Mar uu ka hadlay arrinta dagaalka Tukaraq ayuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ugu dhaartay in dagaalkaas aanu gacan ku laheyn, isla markaana ay ka rumeysteen.

Daawo Faysal

Puntlandes.com

About The Author