Sawirro: Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida oo eedeysanayaal xukuntay

19 July 2018 (Puntlandes) Iyadoo tira dhowr jeer ah ay Maxkamadda Darajada, 1-aad u fariisatay eedda loo heysto 18-qof oo ka tirsan Guutada 14ka October ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xilli hore oo maanta ah ay Maxkamadda Darajada, 1-aad go’aan ka soo saartay dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha.

Dable Xoogga dalka:- Xuseen Baashi Cawad Canshuur, C/wali Ibraahim Max’d Xasan, Sharmarke Cabdi Max’d Nuur, Ismaaciil Saciid Muuse Xiir, C/wali Faarax Ismaaciil Max’ud, C/shakuur Max’d Xirsi Cali, Fatxi Aadan Cali Yuusuf, Jaaamac Cabdullahi Max’ud Cige, C/kaafi Max’d Diiriye Farweyne, Max’d Axm’d Dhalac Cabdi, C/nuur Cabdullaahi Max’d Cabdi, C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise, Daahir Max’ud Gurxan Cali, Ax’d Jaamac Siid Cali, Cabdi Xasan Max’ud jaamac, Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi, Cali Max’d Abyan Cilmi iyo Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay 5-sano oo xabsi ciidan ah keddib markii ay ku cadaatay in si wada jir ah uga qeyb qaateen abaabullo qabyaaladeysan iyo kicinta shoobaro ciidanka dhexdiisa ah, waxa ayna si usku mid ah u diideen amarka taliyahooda oo uu wehliyo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Sooomalaiyeed- sida uu u sheegay G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Adan (Wabiyow) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1-aad dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay go’aanka Maxkamadda.

Eedeysanayaasha ayaa u doodayay 13-ka tirsan guutada 14-ka October oo horay loo ruqseeyay kuwaasi oo xilli ramadan ah isticmaalay Maandooriye markii hore ka mamnuuc ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo.

Guutada 14-ka October ayaa ku yimid baaqa madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ka ddib dhacdadii xasuuqa aheyd ee argagixisada ka geysteen isgoyska Ex, Soobe oo loogu magac daray 14-ka October, waxa ay guutadan ka mid tahay ciidamada sida gaarka ah ay dadka Soomaaliyeed ugu faani karaan.

 

44b4

44b4a

Puntlandes.com

 

About The Author