Sawirro: Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo shaacisay imtitiaaxnkii Dugsiyada sare ee Puntland.

19 July 2018 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta qabatay munaasabad balaaran oo ay ka soo qayb galeen dhamaan masuuliyiinta Wasaaradda waxbarahsada iyo Tacliinta sare oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Prof, Abshir Yuusuf Aw-ciise, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr, Maxamed Cali Faarax, iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Yaasiin Cabdi seed Agaasimaha Waaxda imtixaamaadka Axmed Maxamud Warasame iyo dhamaan Bahada Waxbarashada Puntland, waxay ku shaacisay imtixaankii Fasalka 4-aad ee dugsiyadda sare ee Puntland.

Axmed Maxamuud Warsame Agaasimaha Waaxda imtixaaamaadka oo ka hadlay marxaladihii uu soo maray imtixaanka maanta la shaaciyey wuxuu sheegay in sixitaanka imtixaankaan uu qaatay mudo bil ah loona xilsaaray macalimiin iyo khubaro aqoon durugsan u leh sixidda imtixaanaada, laguna bixiyey juhdi fara badan sidii arday walba u heli lahaa cadaalad ku salaysan aqoontiisa, gabagabadiina natiijadi maanta noqotay in lagu dhawaaqay.Ugu damayntii Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof- Abshir Yuusuf Aw-ciise ayaa soo gabagabeeyey War-saxaafadeedka wuxuuna u hambalyeeyey dhamaan ardadi sanadka ka qalin jebiyey dugsiyada sare ee Puntland, wuxuuna kula dardaarmay in ay sii wadaan wax barashada dadaalkoodana sii laba jibraanaan, sidoo kale wuxuu goobta ka akhriyey 10-kii arday ee ugu saraysay ee ka qalin jabisay dugsiyada sare ee Puntland.

Hoos ka akhriso 10 ka Arday ee ugu sarraysa imtixaanka Fasalka 4-aad ee Dugsiyada sare ee Puntland

44b5

44b5a2

44b5a3

44b5a4

44b5a5

44b5a6

44b5a7

44b5a8

44b5a9
Puntlandes.com

About The Author