Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo shaaciyay in la maxkamadeynayo saraakiil falal dambi ah galay

23 July 2018 (Puntlandes) Kulan ay yeesheen guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa waxay kaga hadleen dhibaatada ka taagan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo iyagoo guddigu sheegay in sharciga la horkeeni doono saraakiil ciidamo ah, kuwaasoo ku lug lahaa kufsi loo geystey haween ku safrayay wadadaas.

44c5

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in shacab fara badan oo ku safraya wadadaas lagu dhibaateeyay gobolka Shabeellaha Hoose, sidaasi darteedna loo baahan yahay in la helo cid qaadata Masuuliyadaas oo loo maxkamadeeyo.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah Guddiga difaaca ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ayaa sheegay in guddigooda uu ka shaqeynayo furista wadooyinka xeran ee gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale waxa uu sheegay in guddoonka golaha shacabka ay u bandhigeen la xisaabtanka ciidanka iyo Saraakiisha ka hawlgasha gobolka Sh/hoose.

Waxa uu tilmaamay in xubno ka tirsan guddiga difaaca ay xog wareysi u tageen degaano ka tirsan gobolka xaalado adagna ay ka jiraan degaanada ay tageen ee gobolka Sh/hoose.

Shalay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho ay ku kulmeen guddoomiyaha golaha shacabka iyo Xubnaha guddiga difaaca ee golaha, waxaana kulankaasi intiisa badan looga hadlay xaalada gobolka Sh/Hoose.

Puntlandes.com

About The Author