Alshabaab oo sheegtay inay askar ku dileen weear ay ku qaadeen Bar Sanguuni

23 July 2018 (Puntlandes) Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in ay 27 askari ku dileen, tiro kalana ku dhaawaceen ayna la wareegeen saldhig ay ciidamada dowladu ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni ee u dhow magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ciidamada Alshabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhigga ay ciidamada maamulka Jubbaland ku lahaayeen Baar Sanguuni ayna ku dileen 27 askari.

“Waxaan ku weerarnay saldhigga weerar is qarxin ah kadibna weerar toos ah ayaan ku qaadnay.”ayuu yiri Afhayeenka dhinaca howlgalada Al-Shabaab.

Weerarkan lagu qaaday saldhiga Bar Sanguni oo qiyaastii 51km u jira magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu weerarkan yimid kadib bishii June markii weerar ay ku qaadeen ururka Alshabaab saldhigaas.

Ciidamo xoojin ah oo ka socda maamulka Jubbaland ayaa gaaray saldhigga Bar Sanguuni halkaa oo la sheegay in ay saacado kooban haysteen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

 Puntlandes.com

About The Author