Alshabaab oo soo bandhigay Sawiradii qabsashadoodii Saldhigga Baar Sanguuni

24 July 2018 (Puntlandes) Alshabaab ayaa soo bandhigay sawirrada weerarkii ay ku qabsadeen shalay Saldhigga Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii illaa 50KM dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo.

Sawirro laga soo qaaday Xerada oo Alshabaab ku faafiyeen baraha Internet-ka ee taageera ayaa muujinayay saldhiga ciidamada, difaacyadii ay lahaayeen iyo teendhooyinka oo qeybo ka mid ah gubanayo.

Sawirrada ayaaa  muujinaya in Alshabaab ay gudaha xerada qabsadeen, waxaana saldhiga ciidamada ay ku taallay dhanka Laamiga oo aanay sidaa uga fogeyn.

Weerarka Alshabaab ku qaadeen xerada ayaa ku bilowday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaddibna dagaal toos ah ayaa xigay, iyadoo uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Alshabaab ayaa sheegay inay weerarka ku dileen illaa 27 askari, inkastoo dhanka dowladda Soomaaliya ay iyana sheegatay inay ku dileen 87 dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.

Weerarada Alshabaab ku qaado xeryaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ahaa kuwo aad u qorsheysan oo ku bilowda gaadiid qarax lagu dhifto xerada, kaddibna dagaal toos oo efandari ah ku qaada.

44c9a

44c9a1

44c9a2

44c9a3

44c9a4

44c9a5
Puntlandes.com

About The Author