SOOCADDE OO KA DIGAY IN LOOGU YEERO SOMALILAND & SOOMAALIYA

24 July 2018 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee Warfaafinta Puntland Maxamud Xassan Soocadde oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda Puntland ayaa si adag uga hadlay arrimaha ay mid ka yihiin dagaalka Tukaraq, siyaasiyiinta ka soo jeeda SSC ee xilalka ka haya Somaliland iyo wada hadalada xukuumadda Federaalka iyo Somaliland.

358a

Soocadde ayaa ugu horraynba si kulul Somaliland ugu eedeeyay inay dhibaato baahsan ku hayso shacabka degaannada SSC oo uu sheegay in mudda 27 sano ah ay dagaal joogta ah iyo mu’aamarad ku wadday,si beelaha halkaa deggan dhulkooda loo dhaxalsiiyo beel kale,islamarkaana sandulle looga dhigo maamul aysan dhismihiisa wax ku lahayn.

Sidoo kale Maxamud Soocadde ayaa mas’uuliyiinta ka soo jeeda SSC ee xilalka ka haya Somaliland ku eedeeyay in ay sharaftii iyo magacii shacabkooda ku iibsadeen dhaqaale kooban oo aan raandhiis lahayn,isagoo xusay in hore qaar kamid ah siyaasiyiinta SSC oo xilal u raadsaday Somaliland ay aakhirkii ku dhinteen halkaas,dabadeedna lagu kafnay calan qabiil,sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayay wada-hadallada u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, ayuu sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo”Somaliland & Soomaaliya” ee si qaldan loo adeegsaday ereyo lagu wiiqayo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Mudane Soocadde wuxuu intaas ku daray, in beelaha dega gobolada waqooyi oo dhan aysan goon-goosad raadinayn,balse hal beel oo keliyah ay hormuud u tahay,nidaam lagu kala qeybinayo dalka,islamarkaana lagu dhantaalayo midnimada iyo jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.

Soocadde wuxuu sidoo kale  xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay caddayso ujeedka laga leeyahay erey-bixinta”Somaliland & Somalia” oo uu sheegay in uu yahay erey si fudud loogu dhantaalayo midnimada dalka Soomaaliya.

Maxamuud Soocadde ayaa dhinaca kale xukuumadihii hore ee soo maray Soomaaliya ku eedeeyay in ay Somaliland ku caawiyeen hannaan u sahlaya qorshaha ay raadinayso ee goonni-goosadka ah,wuxuuna ka digay in qaabkaasi lagu sii wado wada-hadalka labada dhinac.

Ugu dambayntii, wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland, Maxamuud Soocadde ayaa ka digay in haddii erey-bixinta”Somaliland&Somalia” ay sidaas ku sii socoto halis weyn gelinayso midnimada dalka Soomaaliya.

Daawo waraysiga

Puntlandes.com

About The Author