Sawirro: Shir Abu Dhabi ku dhexmaray Imaaraadka Carabta, Ethiopia & Eritrea

24 July 2018 (Puntlandes) Magaalada Abu Dhabi ayaa waxaa ka dhacay shir saddex geesood ah oo ay wada yeesheen dhaxal sugaha Imaaraadka Maxamed Bin Zaa’yid, Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyanaha Eritrea Isaias Afwerki.

Dhaxal sugaha ayaa waxaa uu guddoonsiiyay Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki abaalmarinta madaniga ah ee ugu sareysa dalka Imaaraadka, waxaa xafladda joob joog ka ahaa marti sharaf badan.

Maxamed Bin Zaa’yid oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Imaaraadka ugu hambalyeyneyso labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea heshiiska taariikhiga ah ee ay gaareen, isaga oo rajeeyay in tilaabadaas ay horseedi-doonto horumar dhaqaale iyo mid bulsho inay abuuri-doonto fursado maal-geshi.

Dalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa soo afjaray khilaaf labada dhinac u dhaxeeyay in ka badan 20 sano.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay, islamarkaana saameyn weyn ku lahayd heshiiska dhex-maray labada dal ee soo afjaray colaaddii labaatanka sano.

Ka hor heshiiskaas, ayaa sidoo kale Imaaraadka waxay 3 bilyan oo dollar siisay dowladda Ethiopia, oo ah saaxib dhow oo ay gobolka ku leedahay.

Sanadihii dhowaa saameynta Imaaraadka Carabta ee dalalka Geeska Afrika ayaa sii kordhayey, ayada oo aad ugu lug leh dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay lana wareegtay maamulka dekado badan.

44c9a6

44d5

44d

44d1

44d2

44d3

44d4
Puntlandes.com

About The Author