Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

26 July 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta hal darajo dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo ka hor intaan la dalacsiin ahaa Sarreeye guuto.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey Xaflad loogu magac daray Kulanka Xoogagga Wadaniyiinta Soomaaliyeed, ayaa ugu  hambalyeeyey Halka darajo ee uu dalacay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko.

Dalacsiinta Taliyaha, ayaa timid kadib markii waxqabad muuqda uu ka sameeyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana  Taliska Booliska uu ku guuleystay dib u dhiska Ciidanka iyo  in dib u dayactir lagu sameeyo qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka, kuwaasi oo ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

44d9a

44d9a1

44d9a2

44d9a3

44d9a4

44d9a5

44d9a6

44d9a7
Puntlandes.com

About The Author