Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Qorshe ciidamada ku howlan sugidda amniga Muqdisho lagu hoosgaynayo Booliiska

26 July 2018 (Puntlandes) Shirkii khamiislaha ahaa ee maanta ee golaha wasiirada dawladda Fadaraalka Soomaaliya oo uu gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxaa lagu Ansixiyay Qorshe ciidamada ku howlan sugidda amniga Muqdisho lagu hoosgaynayo Ciidanak Booliiska Soomaaliyeed.

44d9a1

Ugu horreyn wasiirka amniga gudaha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa golaha u soo ban-dhigay qaraar qeexaya in ciidamada ku howlan sugidda amniga caasimadda ay hoostagaan Booliiska, arrinkaan oo goluhu isla qaateen si loogu guuleesto hadafka guud ee ah in bulshadu ay hesho nabad-gelyad buuxda.

Goloha wasiirrada ayaa faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo Guutada ciidanka Booliska 14-ka Oktoobar si ay uga qayb qaataan sugidda amniga, iyada oo sidoo kale golohu uu wasaaradda maaliyadda ku war-geliyay in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October.

Puntlandes.com

About The Author