Golaha Wasiirrada DFS oo Safiir cusub magacaabay!!

26 July 2018 (Puntlandes) Shirkii khamiislaha ahaa ee maanta ee golaha wasiirada dawladda Fadaraalka Soomaaliya oo uu gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxaa lagu magacaabay sadaex Safiir oo cusub.

44d9a9

Qoraal kasoo baxay shirkii maanta golaha ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya uu golaha wasiirada usoo jeediyay in safii ro loo magacaabo:

  1. Cabdullaahi Maxamed Odawaa
  2. Maxamed Axmednuur Tarsan
  3. Cabdirisaaq Axmed Sh. Maxamed Shoolle

Golaha wasiirada dawladda Fadaraalka ayaa ansiyey safiirnimada xubnaha kor ku xusan.

Cabdirisaaq Axmed Sh. Maxamed Shoolle ayaa ahaa Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaliya wuxuuna ku xigay Fahad Yaasiin, isagoo ka tirsanaa Tiimka Nabad iyo Nolol wuxuuna kasoo jeedaa beesha Leelkase.

Puntlandes.com

About The Author