XOG: Maxaad kala socotaa wadanka Safiirka loogu magaabay Tarsan?

28 July 2018 (Puntlandes) Shirkii khamiislaha ahaa, 26ka July,  ee golaha wasiirada dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxaa Maxamed Axmednuur Tarsan loogu magacaabay Safiir oo cusub, kaas oo aan la shaacin wadanka loo nagacaabay.

44e9

Hadaba baaritaan aan samaynay waxaan ku ogaanay in Tarsan loo magacaabayo ama loo balan qaaday Safiirka Soomaaliya u fadhinaya dalka Kenya, inkastoo aan shalay go’aankii golaha lagu shaacin wadanka loo magacaabay.

Tarsan ayaa Safiirka Kenya loo magacaabayaa kadib markii ay odoyaasha iyo waxgaradka beesha Mudulood ee kasoo jeedo ay kula heshiiyeen madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sida ay xogta lagu kasoon yahay ay sheegayso.

Beesha Mudulood ayaa dhowr cisho ka hor kula kulabtay madaxweynaha Villa Somalia, halkaas oo ay kula heshiiyeen inuu Tarsan u magacaabo Safiirka Kenya.

Booska Tarsan loo magacaabayo ayaa waxaa horay u hayey wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Beesha Harti Daarood, wuxuuna banaanaa in ka badan 18 bilood.

Dhanka kale wadamada la isku yiraahdo safka hore ee Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxaa lagu qaybsan jiray Safiirada loo magacaabayo 4.5 laakiin waxaad moodaa haddii Tarsan lagu daro in dhamaan wadamadaas ay qaadatay Beesha Hawiye taas oo ka hor imaanaysa awood qaybsiga ay Soomaalidu ku heshiisay.

Puntlandes.com

About The Author