Dhagayso: DFS oo sheegtay in Eritrea kaalin mug leh ay ka qaadan karto isu soo dhoweynta Soomaaliya & Imaaraadka

29 July 2018 (Puntlandes) Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Asmara ayaa ka hadlay kaalinta Eritrea ka qaadan karto isku soo dhoweynta Soomaaliya iyo Imaaraadka.

44f5a

Daahir Geelle oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu marxalado kala duwan marayo, isla markaana ay yihiin dowlad walaalo ah oo aan saaxibo kaliya aheyn.

“Dabcan Dowladda Eritrea iyo Imaaraadka oo isku fiican, waxay kaalin mug leh oo macno leh ka qaadan kartaa inay isku soo dhoweyso Soomaaliya iyo Imaaraadka oo arrimo badan oo la kala tabanayay ay beryahan jireen”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ahaa mid mugdi galay, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii April ee sanadkan markii Ciidamada ammaanka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen lacag gaareysay 10-milyan oo u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Dhacdadaas ayaa keentay in Imaaraadka Carabta ay cambaareeyaan sida loola dhaqmay oo ay ku tilmaameen inay tahay mid ka baxsan xeerarka diblomaasiyadda, waxaana ay joojiyeen howlihii tababarka iyo taageerida Ciidamada Soomaaliya.

Is bedelka ka bilowday Gobolka Geeska Afrika ayaa sabab u noqday xulufo cusub oo ka dhex bilowda dowladaha Eritrea, Itoobiya, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana muuqata in loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Badda Cas inuu saameyn ku yeelanayo Soomaaliya.

Dhagayso Wasiirka

 


Puntlandes.com

About The Author