Sawirro: Ra’iisul Wasaare Kheyre & wafdi uu hoggaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garowe

29 July 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray Caasimadda Puntland ee Garowe , halkaasoo si aad u diiran loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha daw ladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xubno ka tirsan dawladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo aad u fara badnaa.

Qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay laga dareemayay magaalada Garowe, iyadoo sawirada la suray waddooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay madaxtooyada Puntland, halkaasoo kulamo kula qaadan doonaan Madaxweynaha Puntland iyo maamulkiisa, waxaana labada dhinac qaban doonaan shir jaraa’id.

Daawo sa wirro hordhaca

44e9a

44e9a1

44h

44h1

44h1a1

44h1a2

44h1a8 44h1a9 44h1a10
44h1a4

44h1a5

44h1a6

44ha6

44h1a7
Puntlandes.com

About The Author