Daawo sawiro: Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid oo xilka kala wareegay Cabdiwali Shiikh Axmed

Waxaa ka dhacdey xafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya Xaflad ay xilka kula wareegay raysalwasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali iyo Raysalwasaarihii hore Cabdiweli Axmed Maxamed.Xaflada xil wareejinta waxaa ka soo qaybgalay madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud oo xilka u kala wareejiyey, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Golaha Wasiirada xilka baneynaaya.

Sii hayaha Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sarre Ducaale Aadam Maxamed ayaa ku hadlay magaca xubnaha golaha wasiirrada xilalka sii hayaha, ayaa si kooban u guud maray arrimhii ay ku guuleysatay Xukuumadda Raysal wasaariha xilka ka degay Cabdiweli Axmed Maxamed, isagoo u kala qaaday Siyaasadda, ammaanka, Federaalka, guddiga dib u eegista Destuurka iyo Hiigsiga cusub ee 2016-ka.

Sidoo kale waxaa khudbad soogootin iyo soo dhaweyn ah ka jeediyey raysalwasaarihihii hore Cabdiweli Shiikh Axmed, waxaana khudbadiisu u badneyd hadalo kaftan ah waxaana uu si weyn ugu mahad celiyey madaxweynaha iyo dhamaan golihiisa wasiirada ee sida wanaagsan ula soo shaqeysey.

 1262

1263

1265

1266

1267

1268

1269

1270

1271

1272

1273

1274

1275

Puntlandes

About The Author