War deg dega: Xarunta AMISOM ee Muqdisho oo la weeraray

Weerar qaraxyo loo adeegsay ugu horayn ka dibna rasaas ayaa lagu qaaday Xarunta Xarunta Xalane oo ah Taliska ugu weyn Ciidanka AMISOM ku leeyihiin Muqdisho, halkaasoo ah goob si aad ah ammaankeeda loo waardiyeeyo.

Ilaa iyo hada waxaa adag in la helo faah faahin rasmi ah oo ku aadan weerarkan, oo la sheegayo inuu ku bilowday qaraxyo iyo rasaas.

Dad ka agdhawaa goobta  ayaa Puntlandes.com u sheegaya in ilaa saddex jug ay maqleen,  kadibna rasaas iyo qaraxyo waawayn waxaana adag in warar sugan laga helo gudaha Xalane,.

Wararka qaar ayaa sheegaya Rag hubeysan ay gudaha u galeen xarunta oo ay ka dagaalamayaan wali, kadib markii qarax gaari uu ka dhacay banaanka hore ee qeybta Isbitaalka ay AMISOM ku leeyihiin Xerada Xalane.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay weerarkan.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

 

About The Author