Cabdiraxmaan Jaamac Warsame oo ku guulaystay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland

Cabdiraxmaan Jaamac Warsame ayaa ku guulaystay Doorashadda Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, isagoo wareegii labaad ee Doorashada uu kaga guulaystay Maxamed Maxauud Laambo.

Jagada Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa waxaa ku tartamay Afar Musharx oo kala ah:

  1. Cabdiraxmaan Jaamac Warsame
  2. Maxamed Maxamuud Laambo
  3. Sharmaarke Ugaas Yaasiin
  4. Saalax Xabiid,waxaana

Doorashada ayaa u dhacaysay si qarsoodiya waxaana lagu codeeynayey Sanduuq ay. Wareega kowaad ee Doorashada  ayey Musharixiintu u kala heleen;

  1.  Cabdiraxmaan Jaamac Warsame  54-Cod.
  2. Maxamed Maxamuud Laambo      32-Cod
  3. Saalax Xabiid                                 14-Cod
  4.  Sharmaarke Ugaas Yaasiin      10-Cod

Wareega labaad ee Doorashadda ayaa waxaa isugu soo baxay laba Musharax ee ugu codka badnaa,kuwaas oo kala ahaa;- Cabdiraxmaan Jaamac Warsame iyo Maxamed Maxamuud Laambo.

Musharax Guddoomiye Doorashadda 67-Cod,halka Musharax Maxamed Maxamuud Laambo uu helay 40-Cod,waxaana sidaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ku noqday Cabdiraxmaan Warsame Jaamac.

Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar ‘’Camay’’ ,xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda,Ganacsato,Culumaa’udiin,Maamulka degmada Bosaso iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa goob jog ka ah Doorashada.

Puntlandes.com

About The Author