Akhriso Shaxda cusub Golaha Wasiirada Soomaaliya oo 74% ay yihiin Xildhibaano

06 Aug 2018 (Puntlandes) Waxaa sii kordhay tirada Xildhibaanada ee ku jira Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, kaddib markii shalay Ra’iisul Wasaare Kheyre uu magacaabay illaa lix xubnood oo isugu jiray Wasiiro, Wasiir kuxigeen iyo Wasiir Dowle.

45a3a5

 Xubnaha shalay la magacaabay ee Wasiirada ayaa dhamaantood ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, taasoo sare u sii qaadeysa tiradii Xildhibaanada Wasiirada ahaa ee ku jiray Xukuumadda Khayre.
 Shax ku saabsan xubnaha Golaha Wasiirada ee u badan Xildhibaanada ah ayaa waxay ka dhigaysaa Xildhibaanada ka tirsan Xukuumadda Khayre 74%, halkaaysan golaha Xildhibaano ahayn 26% oo kaliya.
Xeeldheerayaasha ayaa saadaalinaya in Farmaajo iyo Khayre ay ugu dhambayn ka dhigi doonaan golaha wasiirada dhamaantood xildhibaano, taas oo ay ula jeedaan inay Baarlamaanka seexiyaan.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada u badnaadaan Xildhibaano ay shaki gelineyso hanaanka dowladnimo iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda, iyadoo calaamad su’aal dulsaaran tahay cida la xisaabtameysa Xukuumadda mar haddii Wasiirka uu hadana Xildhibaan yahay, taasoo muujineysa isku milanka Hey’adaha Fulinta iyo sharci dejinta oo markii horeba u jiray xan ah in Hey’adda Fulintu ay la wareegtay Sharci dejinta.

45a3a4

Puntlandes.com

About The Author