Akhriso War saxaafadeed DFS oo Sacuudiga la safatay khilaafka Sacuudiga & Canada

45a3a1

War saxaafadeed (Faafin degdeg ah)

Muqdisho, Soomaaliya
August 07, 2018

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.

Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Akhriso War saxaafadeed DFS

FB_IMG_1533715815635

About The Author