Warbixin: Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Suudaan oo cabasho ka gudbiyay Safaaradda Soomaaliya ee Khartuum (Video)

08 Aug 2018 (Puntlandes) Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan ayaa gudbiyay cabasho ka dhan ah ah Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Khartoum, kaddib kulan ay la qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maalmahan ku sugnaa Khartuum.

45a4a1

Kulan ay soo qaban qaabiyeen Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa waxay ku soo bandhigeen dhibaatooyin ardayda kala kulmaan Safaaradda Soomaaliya ee Khartoum

“10 qof raalli galintood kuma badalanayo 7000 oo Arday, Mudane Ra’iisul Wasaare haddaan nahay ardayda Soomaaliyeed, Waxaan qabnaa Dulmi, dulmigaas nooma aysan geysan dad Ajnabi ah ee waxaa noo geystey shaqaalaha Soomaaliyeed ee Safaaradda, Waxaa safaaradda lagu iibiyaa Minxooyinka waxbarashada, hadii aad nooga tagtid dulmigaas, ogow waad na dulmisay, Mudane Waxaad Xabsiyada Liibiya ka soo daysaan dhalinyarta Soomaliyeed, Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan way sii tahriibisaa”sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan C/qaadir C/llaahi oo ilmeynaya.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka Jawaabayay cabashada Ardayda ayaa ballan qaaday in haddii ay sax noqdaan waxa ay Ardayda ka cabanayaan, in sida ugu dhaqsiyaha badan uu uga qaadi tallaabada ugu haboon

Diblomaasiyiinta ugu sareysa ee Safaaradda ayaa lagu eedeynayaa inay ka gaabiyeen howlihii loo igmaday, iyagoo u weecday inay ka shaqeeyaan Arrimaha Tahriibka sida, Fududeynta Tahriibka Liibiya iyo Leemanka cusub oo lagu diro dadka wato Baasaboorada Dowladda.

Safaaradda ayaa hadda ka dhex taagan is qabqabsi xooggan oo u dhaxeeya Sii-hayaha Safiirka iyo Diplomaasiyiin la soo magacaabay markii uu xilka ka dagayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasoo intooda badan ah dhalinyaro aan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka soo shaqeyn, wax tababar diplomaasiyadeedna aan laheyn.

Cabashooyinka laga soo gudbiyay Safaaradda ma ahan mid cusub, waxaa jirtay Cabashooyin horey looga gudbiyay Danjire Maxamed C/llaahi Ugaas oo ahaa Safiirkii ugu dambeeyay ee dowladdu xilka ka qaaday sanadkii hore, isagoo magacaabistiisii hore ay Dowladda Suudaan soo celisay una jartay (Persona non grata ) kaddib waxaa dowladda Suudaan kala hadlay Sheekh Shariif xilligii uu Madaxweynaha, sidaasna dowladda Suudaan ku tixgelisay.

Muddo ku dhow 7-bilood ayaa Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ay tahay mid aan Safiir laheyn, kaddib xil ka qaadistii Safiirka, waxaana kusime ka ah Axmed Ibraahim Buurfuule oo Safaaradda ugu Magacaaban Xoheynta 1aad, hase ahaatee waxaa dhowaan lagu wadaa in Safaaradda Suudaan lagu soo qoro C/risaaq Shoole oo dhowaan Golaha Wasiirada u magacaabeen inuu Safiir noqdo.

 Daawo muuqaalka Gudoomiyaha Ardayda oo kullan guud Raysul wasaaraha cabashada ugu
gudbiyey


Puntlandes.com

About The Author