Dowladda Sacuudiga oo war ka soo saartay Xoolihii ay dib ugu celisay Soomaaliya

12 Aug 2018 (Puntlandes) Dowladda Sacuudiga Carabiya ayaa war ka soo saartay sababtii ay xoolo ka yimid Soomaaliya ay dhowaan dib ugu celisay, xolahaas oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed kana yimid Dekedda Bosaso.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Deegaanka, Dhirta iyo Biyaha ayaa lagu sheegay in xoolaha laga soo dhoofiyay Soomaaliya lagu sameeyay baaritaano, xoolahaas oo ahaa 27,000 oo neef ari ah ayna ku sheegeen inay ka heleen cudurka ku dhaca xoolaha ee lagu magacaabo (Rift Valler Fever).

Xoolahan ayaa dib loogu celiyay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, halkaasoo markii hore Markab looga soo qaaday.

Tallaabada dowladda Sacuudiga ay dib ugu celisay xoolo laga soo dhoofiyay Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya la safatay Sacuudiga khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalka Canada.

Akhriso qoraalka oo ku qoran afka carabiga

45a4a5

Puntlandes.com

About The Author