Jabhadda ONLF oo dagaal kula jirtay Ethiopia oo ku dhawaaqday Xabad joojin rasmi ah

12 Aug 2018 (Puntlandes) Jabhadda ONLF oo dagaal muddo sanado ah kula jirtay dowladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday xabad joojin iskeed ah, oo dhaqan galaysa maanta oo ay ku beegan tahay 12 bisha Agoosto 2018.

45a4a6

Afhayeenka ONLF ayaa kaga dhawaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, inay xabad joojin galayaan, ayna qaadanayaan baaqyada nabadeed ee Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed.

Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12ka duhurnimo ee 12ka Agoosto ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee ay aasaaska ugu dhigayso wadahadallo nabadeed”.

“Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi.

Wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin hadda kadib inay miiska wadahadalka ku raadiyaan dhamaan tabashooyinka ay qabeen, oo muddo badan ay ula dagaalamayeen dowladda Ethiopia.

“Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani.

Dawladda Ethiopia ayaan wali ka hadal go’aankan uu qaatay Ururka ONLF.

Puntlandes.com

About The Author