Daawo Video: Dhismaha Garoonka kubadda Cagta Cawaale ee Gaalkacyo oo la dhagax dhigay

12 Aug 2018 (Puntlandes) Wasiirka wadaaradda Shaqadda,Shaqaalaha Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha ee Puntland Cabdirixmaan Sheekh Axmed ayaa maanta dhagax dhigay Dhismaha Garoonka kubadda Cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo.

45a4a9

Wasiirka ayaa kaga dhawaaqay munaasabadda dhagax dhiga in Koobka Dawlad Gobaleedyada Soomaaliya ee Sannadkan lagu qaban doono Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka, maaulka Gobolka iyo kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo oo ay ugu horeeyan Bahda Ciyaaraha.

Koobka Dawlad Gobaleedyada Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan wax ka yar afar bilood, iyadoo maanta uu bilaamay dhismaha Goroonka cawaale.

Daawo musaanabadda dhagax dhiga iyo khudbadihii laga jeediyey

Puntlandes.com

About The Author