Warbixin: Sarkaalkiil Ka Goostay Somaliland Col. Jamaal Baaxad & Jamhadda Col. Caare

12 Aug 2018 (Puntlandes) Ammaan duulihii saldhiga saddexaad ee ciidamada Somaliland ee Gobolka Sanaag Col. Jamaal Baaxad ayaa daraad galinkii dambe ka goostay Somaliland.

45a4a8

Col. Jamaal

Col. Jamaal Baaxad oo watey ciidamo iyo gaadiidka dagaalka ayaa ku biiray Jamhadda uu hogaamiyo Col. Saciid Cawil (Caare) oo bilowgii sanadkan Somaliland kala goostay ciidamo ay isku heyb yihiin.

Col. Caare ayaa saldhig ciidan ka sameystay meel u dhow magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland.

45a3a9

Col. Caare

Saraakiishan oo heyb beeleed wadaaga ayaa ka goosashadooda Somaliland ka dambeysay cabasho ka dhalatay collaadii degmada Ceel Afweyn ku dhexmertay labo beelood oo deegaankaas wada dega, kadib markii Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin lagu eedeeyay inaanay  dhexdhexaad ka ahayn collaadaas.

 

Caare oo horay u ahaa Ammaan duulihii saldhiga saddexaad ee ciidamada Somaliland ee Gobolka Sanaag ayaa waxaaa uu dhawaan ka hadlay inuu Jamhadda uu aasaasay, wuxuuna caddeeyey inuu cilaaqaad aad u wanaagsan la sameeyey Puntland uuna saldhig ciidan weydiistay.

 

Col. Caare ayaa sheegay in uu urursanayo ciidamo uu sheegay inuu kula dagaalami doono cadaalad daro uu ku sheegay inay ka jirto Somaliland, maamulka talada haya ee Somaailand ayuu ku eedeyey mid kala ka xeeyey Somaliland, wuxuuna guud ahaan dadka gobolada maamulkaas ugu baaqay inay ka gadoodaan wuxuu ugu yeeray cadaalada darada ka jirta Somaliland.

 

Dhanka kale labadii todobaad ee u dambeeyey waxaa aad u batay Sakiisha iyo Ciidamada ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan oo ka goodsanaya maamulka Muuse Biixi kuna biiraya Jamhadda Col Caare.

Puntlandes.com

About The Author