Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

14 Aug 2018 (Puntlandes)  Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Intii ay ku guda jireen kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya laba dal si gaar ah siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Siciid Xaaji Maxamuud iyo Agaasimaha Waaxda Aasiya Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim.

45a6

45a6a

45a6a1

45a6a2
Puntlandes.com

About The Author