Daawo Video: Baarlamanka Puntland oo ansixiyey sida ay ku dhacayso doorashada Puntland & goorta

14 Aug 2018 (Puntlandes) Baarlamaanka dowladda Puntland oo ku jira kal-fadhigooda 41 aad  ayaa maanta go’aan ka gaaray hannaanka ay u dhacayso doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019.

3d
Xildhibaanada fadhiga maanta fadhiyeuy ooo ahaa 35 ayaa ansixiyey lifaaqa qeexaya in doorashada madaxtinimada Puntland ay  ku dhacdo hannaankii hore ee qabaa’ilku soo xulan jireen xubnaha Baarlamanka, kadibna ay madaxweynaha dooran jireen lixdan iyo lixda xildhibaan ee Golaha wakiilada Puntland.

Golaha ayaa waxa kale oo uu goaamiyey in guddiga doorashooyinka ku meel-gaarka ah ee Puntland(TPEC) ay sii shaqeeyaan ayna qabtaan Doorashada golaha deegaanka sept 2019ka.

Baarlamanka cusub ee kan xiga ayaa fadhigooda ugu horreeya yeelan doona 31 Dec ee sannadkaan 2018,waxaana ay guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa dooran doonaan 4 Jennaayo ee sannadka 2019,halka doorashada madaxweynuhu  ay ku begantahay 8 Jennaayo ee 2019 oo ah xillgeeda.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author