Sawirro: Garoonka diyaaradaha ee Kismayo oo lagu Xiray labo sarkaal ay DFS usoo magacawday..

14 Aug 2018 (Puntlandes) Maamulka Axmed Madoobe ayaa ku xiray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismayo labo sarkaal oo ay Dawladda Faderaalka Soomaaliya soo magacawday.

Labo sarkaal oo caawa ku xiran garoonka diyaaradaha ayaa Dowladdu usoo magacowday inay Taliye iyo kuxigeen ka noqdaan Ciidanka Nabadsugida Jubbaland.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay inay berito ay Muqdisho u masaafurin doonaan Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Jubbaland Cali Mire Ducaale iyo kuxigeenkiisa Maxamed Ibraahim.

Dhanka kale bil ka hor ayey ahayd marskii maamulka Axmed Madoobe u diiday inay diyaaradii siday kasoo degaan Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliiyeed ee ka hawlgala Jubaland.

Waana talaabadii labaad oo sii fogaynaysay xiriirkii awalba gcago badan ku taagnayn ee Jubbaland iyo dowladda fadaraalaka.

45a6a6a

45a6a6a1

45a6a6a2

Puntlandes.com

About The Author