Soomaalida Minnesota oo Guul wayn ka Gaaray Doorashadii Xalay Dhacday, Ilhaan Omar oo Taariikhi dhigtay

15 Aug 2018 (Puntlandes) Doorashadii xalay ka dhacday Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku Guul taariikhi ah ka soo hoyiyey Muwaadiniin Soomaaliyeed.

45a7a

Ilhaan Omar ayaa ku guulaystay doorashada xisbiga Dumuriqaaadiga ee ka mid noqoshada golaha Aqalka hoose ee Maraykanka, waxaayna ku soo baxday codadkii la tiriyey in ka badan 58 % oo ah tiro aad u badan.

Doorashadaan oo aad u adkayd ayaa Ilhaan waxaa la tartamaayey dad hore siyaasada gobolka uga dhex muuqday sida Margarat A. Kellihe afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Minnesota.

Ilhaan Omar ayaa noqonaysa Soomaaligii ugu horeeyey ee darajada golaha sharci dajinta ee Maraykanka gala.

Hodan Hasssan iyo mohamud Noor ayaa iyaguna kusoo baxay musharaxnimada xisbigooda DFL-ka ama Dumuriqaadiga ,Maxamud Noor ayaa galay booskii ay banaysay Ilhaan Omar , Hodan Hassan oo loo yaqaan Hodan Heelo waxay ka guulaystay Omar Fatah & Osman Ahmed oo iyaguna la tartamay iyo waliba labo qof oo Maraykan ah,

Keith Ellison ayaa isagana ku soo baxay xilkii uu tartamaayey ee xeer ilaaliyaha guud ee Minnesota,

Tim Walz ayaa isagana ku soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Minnesota ama Govenorka u tartamaaya Xisbiga Dumuriqaadiga oo wajihi doona Tim Pawlenty oo isagu xisbiga Jamhuuriga ah , Tim Walz ayaa waxaa u ololeenaayey siyaasiin Soomaaliyeed sida Abdi Warsame oo xubin golaha deegaanka Minneapolis ka tirsan iyo Hamsa Warfaa oo ka mida xubnaha saameenta ku leh siyaasada Soomaalida.

Doorashadaan Xalay dhacday waxay aheed mid ay iskala reebayeen musharaxiinta xisbiyada ayaa lakiin doorashada guud waxay dhacaysaa Bisha Novenber Talaadada ugu horeeysa.

Ilhaan Cumar ayaa ku soo baxday is reeb reebka Xisbiga golaha Congress-ka ama Aqalka Dalka Mareykanka, halka Hodan Xasan iyana ay  ku guuleysatay golaha Congress-ka gobolka Minnesota iyo Maxamuud Nuur oo isna ku guuleystay kursigii ay horey u baneysay Ilhaan Cumar .

 

Puntlandes.com

About The Author