Faarax Macalin: “Dowlada Kenya waxay 1.5 Milyan Dollar ku bixisaa bil kasta mushaarka ciidamada Jubbaland.”

18 Aug 2018 (Puntlandes) Faarax Macalin oo soo noqday Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay bil walba dhaqaale siiso Maamulka Jubbaland.

45ba1

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in bil kasta dowladda Kenya ay siiso maamulka Jubbaland lacag dhan Hal milyan iyo bar oo dollar ah oo mushaar ahaan loo siiyo Ciidamada Jubbaland.

“Dowladda Kenya waxay bil kasta 1.5 milyan oo dollar siisaa Maamulka Jubbaland oo mushaar ahaan u siiyo Ciidamada Jubbaland oo gaaraya 7,000 askari”ayuu yiri Faarax Macalin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamo ka kale oo badan ay ku sugan yihiin magaalada Kismayo, kuwaas oo kale ah 5500 Kenya ah, 1000 Burundi ah iyo 3000 Itoobiyaan ah.

Faarax Macalin ayaa waxaa uu su’aal geliyay sababta Alshabaab oo dhan 1,500 askari looga adkaan la’yahay?

Hoos ka akhriso qoraalka

45b1a

Puntlandes.com

About The Author