Maqaal: Horumarinta siyaasada arimaha dibada ee wadan leeyahay, waxay garab & gaashaan u tahay ka dhaadhicinta & u ololaynta qadiyada wadankaas

Horumarinta siyaasada arimaha dibada ee wadan leeyahay, waxay garab iyo gaashaan u tahay ka dhaadhicinta iyo u ololaynta qadiyada wadankaas.

42

Waxaayna siyaasadaas ka turjumaysaa ama fariin u tahay qaab dhismeedka iyo haykalka dawladnimo ee wadankaas ka jirta, waxay fariin iyo tusaale cad oo muraayad ah u tahay arimaha aasaasiga ah sida:

  • Caafimaadka
  • Waxbarashada
  • Amaanaka
  • Iyo wixii la hal maala ee wadankaas ka jira

Siyaasada arimaha dibadu waa u gudbiyaha wadan uu u gudbiyo tacabkiisa iyo tabashooyinkiisaba bulshada caalamka.

Hadaba maadaama aynu wada ogsoonahay in doorka horumarka iyo weliba maalgashiyada caalamiga ah ay koow ka tahay hadba baaxada xiriirka siyaasadeed ee wadan la leeyahay wadamada dibada iyo bulshada calaamka.

Wadanba wadanka uu kaga horeeyo siyaasada iyo xiriirka caalamiga ah ayuu uga fursado iyo rajo badan yahay kan ka hooseeya ee xiriirkiisa uu bulshada caalamka la leeyahay aanu fiicnayn.

Faaiidooyinka iyo muhiimadaha ay leedahay xiriirada calaamiga ee wasaarada arimaha dibadu u qaabilsan tahay wadankeena iyo wadan walba oo aduunka aynu ku noolahay kamid ahi, maaha wax maqaal ama laba maqaal iyo wax kabadanba lagu soo koobi karo.

Balse aan isku dayo in aan wax yar ka iftiimiyo doorka uu xiriirka calaamiga ah ka qaato horumarka wadan leeyahay

  1. In dib u eegis ku sameeyaan dawaladaha caalamku nidaamka dawlad ahaaneed ee dalkaas ka jira.
  2. In xiriir toos ay dawladuhu la yeeshaan wadanka taas oo u horseeda sababaha keena maalgalin caalami ah.
  3. In deeqo waxbarasho oo lacag la,aan ah oo kala duwan la siiyo iyo weliba tobabaro kale , waxay sare u qaadaa horumarka dalka maadaama oo intaas oo qof soo kororsadeen aqoon noocyadeeda kala duwan.
  4. Xoojinta iyo iska warhaynta kolba halka u baahan wax ka qabasho ee ay baahiyi ka jirto.
  5. Xoojinta dhinacyada amniga ee dawladaha u dhexeeya

Intaa iyo in kale oo kasii badan waxay faaiido horumarineed u leedahay xiriirada arimaha dibada dhex mara dawladaha aduunka.

Wadankeena Soomaaliya ilaa Waqtigii la Magacaabey Wasiir Ahmed isse Awad, waxuu ku Tilaabsadey Guulo waaweyn oo Kor u qaadey Maqaamka,isagoo Geeyey Halka uu istaahilo Dalkeena somalia.

  • Waxuu Xiriir dhow la yeeshay Dalalka Dariska,Kenya,Ethiopia iyo Jabuuti.
  • Waxuu Soo afjarey Faragalintii ay ku haysay Emaratka Dalkeena somalia.
  • Waxuu Nidaam qurux badan u Sameeyey Safaaradaha Dibada.
  • Waxuu kor u qaadey oo Dunida ka gadey Siyaasada Dalkeena.
  • Waxuu Dib u ceshay  Maxaabiis Soomaaliyeed oo Wadamada Dariska iyo Daafaha Caalamka ku xirnaa kana quustey Xoriyadoodii iyagoo ka niyad jabey.
  • Waxuu soo Celiyey Xiriirka Dalka Eleteria oo Muhiim u aheed Somalia,Maadama Eleteria ay ku Taageeri jirtey ururka Alshabaab Dhaqaale iyo Hub,Albaabkii ugu Muhiimsanaa alshabaab ayuu Quful kusoo dhuftey,Dhowaana ururkaas iyagaa iska soo afjarmi doona.
  • Waxuu Shirkii Bilguim Caalamka Tusey in Somalia lugaheeda ku istaagtey,Waxeyna sababtey in Somalia Dalal badan ay ku dhiiradeen in Maalgashiyo ka sameeyaan.

 

Ugu Danbeentii waxaa ii Muuqata Rajo fiican iyo  Somalia cusub oo 27 sano wadamadii ka tagey si dhaqso ah ku Gaartey.

Waa u Hambalyeenayaa Wasaarada arrimaha dibada Shaqaalaheeda kala duwan iyo Wasiir Ahmed isse awad.

Somalia Ha Noolaato

45ba2

Qore:Deeq Ali Hayaan

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author