Daawo Video: Madaxii Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo caawa la xiray

19 Aug 2018 (Puntlandes) Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow ayaa caawa la xiray, kaddib markii maanta Ciidamada Booliska ay xireen kuxigeenkiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa.

45ba4a1

Axmed Samow ayaa la sheegay inuu lugihiisa ku tagay Xarunta dambi baarista ee CID, halkaasoo galabta lagu xiray xubnaha kale ee maamulka canshuuraha Dekeda ka tirsan oo lagu soo eedeeyay musuq maasuq.

Intii Ciidamada Booliska ay wadeen howl galka lagu xirayay Mas’uuliyiinta Kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho ayaa la sheegay in laga waayay xafiiskiisa, isagoo ka baxay ka hor inta aanay ciidamada tagin xafiiska, waxaana jiray warar kala duwan.

Axmed Samow oo la hadlay Idaacad ka mid ah kuwa maxaliga ayaa sheegay in uusan baxsad aheyn, isagoo xusay in maanta markii Ciidamada Booliska tageen xafiiskiisa uu ku maqnaa arrimo caafimaad, kaddibna uu ka war helay in kuxigeenkiisa iyo xubnihii kale ee la shaqeynayay la xiray, waxaana uu tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu sharciga u hoggaansamo.

Mas’uuliyiinta Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo isugu jira Madaxa Kastamka, kuxigeenkiisa iyo lix kale ayaa caawa ku hoyanaya Xarunta dambi baarista CID, waxaana ku socda baaritaano la xiriira kiiska lagu soo eedeeyay ee musuq maasuq ku saabsan.

Dekedda Muqdisho ayaa ka mid ah ilaha dhaqaale ee dowladda, waxaana xafiiska Kastamka Canshuuraha uu ka mid yahay goobaha dakhli uruurinta ee lagu canshuuro alaabaha ka soo dego Dekedda.

Puntlandes.com

About The Author