Xildhibaan ka tirsan BFS oo is casilay si kursiga ugu baneeyo….

19 Aug 2018 (Puntlandes) Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud oo laga soo doorto deegaanada maamulka Galmudug  ayaa iska casilay kursigiisii Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Fadaraalka.

45ba4a

Xildhibaanka ayaa sheegay in is casilaadiisa ay tahay mid isaga u gaar ah, waxa uuna tilmaamay in Guddiga Doorashooyinka uu u gudbiyay is casilaadiisa.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud uu iska casilay xubinimadiisa baarlamaan oo muddo sanad iyo bar ah uu hayay.

45ba4

 

C/qaadir Gaafoow ayaa la dhashay Taliyihii hore ee Nabadsugida C/llaahi Gaafoow, waxana doorashadiisa ka dhashay muran badan oo ugu dambeyn sababtay in Cadaado laga soo wareejiyo oo lagu doorto Muqdisho horaanta sanadkii 2017.

Kursigan ayuu isaga casilay Ex Xildhibaan C/qaadir si uu u hanto ama u helo walaalkisii awal ugu dagaalamay C/llaahi Gaafoow oo ah Taliyihii hore ee Nabadsugida.

Puntlandes.com

About The Author