Daawo Col Caare oo sheegay in Ciidamada Somaliland ee haysta gobolka Sool uu dulmay maamulka Jeegaantu

21 Aug 2018 (Puntlandes) Col Caare oo ah Hogaamiyaha Jamhad kasoo horjeeda maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi oo  shalay ka hadlay munaasabad lagu daahfurayey Xero ama saldhig ay dawladda Puntland siisay ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool uu dulmay maamulksa Jeegaantu ayna haysato cadaalad daro aad u ballaaran.

Col Caare ayaa sheegay inuu ka dagaalamayo cadaalad daro gaamurtay oo ka jirta Somaliland taas oo soo bilaabatay markii uu xilka qabtay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo haddana sii xoogaysatay ama labo kaclaysay markii uu xilka qabtay Muuse Biixi.

Col Caare oo ka hadlaya isbahaysiga Jeegaanta ayaa yiri “…Somaliland waxaa ka bilaabatay dulmi, ummadda dawladda loo yahay ma aha labo qolo oo qura, (Jeegaanta), ee waa ummad aad u badan”

Col Caare oo hadlaya sababta ku keliftay inuu Jamhad sameeyo ayaa yiri “markii aan ka dhex arki waayey caddaalad rasmi ah, markii aan ka dhex arki waayey dawlad loo siman yahay, markii aan ka dhex arki waayey horumar ballaaran oo ummaddu u siman tahay, waxaan go’aansaday in aan Saldhig waydiisto Puntland, si aan u suuliyo dulmiga”

Col Caare oo ka hadlay Tukaraq iyo ciidanka Somaliland aya ayiri “Ciimadamada qaranka ee ku dulmay meesha la yiraahdo Tukaraq iyo Laascaanood dhexdooda dumarkoodii baa la guursaday waa la ogyahay, waa la ogyahay waxay ku  nool yihiin anagaa xog ogaal u ah”

45b9 45b9a 45b9a1 45b9a2

Puntlndes.com

About The Author