Dawladda Kenya oo baaris xoogan ku haysa Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yasin (sawirro)

21 Aug 2018 (Puntlandes) Dowladda Kenya ayaa waxay ku hawlan tahay baaris ku saabsan sida uu ku helay baasaboorkeeda Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, isagoo u isticmaala safarada dibadda ah.

45c

Sida ay qortay Wargeyska Standard  Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay Taliye kuxigeenka Nabadsugida ayaa la ogaaday inuu heysto baasaboorka Kenya iyo kaarka aqoonsiga ee muwaadnimada.

45c3

Fahad Yasin Baasaboorkiisa Keynaatiga

Fahad Yaasiin ayaa heysta baasaboor Kenyan ah oo nambarkiisa yahay C024542 iyo sidoo kale kaarka aqoonsi muwaadinimada oo nambarkiisa 28847167, taasoo ah mid raad raac u ah baaritaanka Hey’adaha

Sida muuqata Fahad Yaasiin ayaa ku qaatay Baasaboorka inuu ku dhashay magaalada Mandhera 19 July sanadkii 1978, waxaana uu qaatay baasaboorka 6 September sanadkii 2013.

Laakiin caddeymaha Kaarka Aqoonsiga ID ayaa muujinaya inuu dhashay 5 April sanadkii 1978, sharcigana uu ka qaatay bariga Mandhera sanadkii 2001.

Xoghayaha Socdaalka, Xuduudaha, iyo diiwaangelinta dadka ee dalka Kenya Maj. Gen RTD Gordon Kihalang ayaa isniintii maanta xaqiijiyay inuu socdo baaritaanka, balse waxaa uu diiday inuu bixiyo macluumaad dheeraad ah.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshada hareeyay nuqul ka mid ah Baasaboorka Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin oo isugu jira mid Kenyan iyo Soomaali oo ku yaalla Viisooyin kala duwan.

45c2

Fahad Yasin Baasaboorkiisa Soomaaliga

Eedeymahan oo labadii maalmood siweyn u qabsaday baraha bulshada wali kama uusan jawaabin taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo dhinaca kale ah shaqsi siweyn ugu dhaw madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Puntlandes.com

About The Author