Madaxweynaha cusub ee DDSI oo soo bandhigay 5-ta qodob ee uu wax ka qaban doono

27 Aug 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar) oo loo dhaariyay xilkaas ayaa sheegay in maamulkiisa uu qaban doono howlo ka duwan maamulkii hore.

45d7

Mustaf Muxumed, waxa uu sheegay in maamulka DDSI uu ka dhameystiri doono dhinacyo howshooda ay tahay mid qabyo ah, waxa uuna cadeeyay inuu xooga saari doono ilaa Shan arimood.

Mustaf Muxumed ayaa baarlamaanka maamulka u aqriyay qodobada ugu muhiimsan ee uu ka shaqeyn doono mudada uu xilka hayo, wuxuuna sheegay inay jiran arrimo muhiim ah oo u baahan in xooga la saaro.

Waxa uu sheegay inuu xooga saari doono qodobada kala ah:

1-Dib usoo celinta xasiloonida deegaanka iyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladooda.

2-Xalinta colaadaha ka dhex jira qabiilada deegaanka iyo qowmiyadaha kala ee deriska la ah Soomaalida.

3-Dib usoo celinta sareynta Sharciga iyo xuquuqaha ay leeyihiin dadweynaha.

4-Dib u eegida awoodaha dheeriga ah oo ay yeelan karaan madaxda dowladda, taasi oo lagu dhibaateyn karo dadka.

5-Soo celinta Soomaalinimada iyo astaamaheeda, taasi oo muujineysa isirka ay kasoo jeedaan shacabka DDSI.

Daawo khudbadda madaxweynaha cusub


Puntlandes.com

About The Author