Cabdi Maxamuud Cumar oo La Xirey

27 Aug 2018 (Puntlandes) Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee xarrunta dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xabsiga loo tabaaxay maanta madaxweynihii ee Gobolka Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo rag kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka kaxeeyay Cabdi Maxamuud Cumar hoygii uu ka deganaa magaalada Addis Ababa, iyagoo u dhaadhiciyey xabsi.

Dacwadaha loo heysto

Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono.

Hase yeeshee Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay ka hadlayay shir jaraa’id ayaa sheegay in arrinka Cabdi Maxamuud Cumar uu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah.

Hase yeeshee wuxuu Cabdi noqonayaa qofkii ugu sareeyay oo lasoo xiro, maxkamadna lasoo taago marka laga hadlayo dadka kala duwan ee guud ahaan Itoobiya lagu eedeynayo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Dr Abiy oo shalay sidoo kale ka hadlay xisbiga TPLF ee gobolka Rigrinya ayaa yiri “TPLF oo kaliya ma ahan dadka isbadalka kasoo horjeeda, ee dhammaan xisbiyada ku jira isbahaysiga tallada haya dad ka mid ah ayaa kasoo horjeeda isbadalka, waxna waan ka qaban doonaa” ayuu yiri Abiy oo u muuqda in markii ugu horeysay uu si toos ah uga hadlayo arrimo aanan shaaca usoo bixin wixii hadda ka horeeyay.

Shalay ayay ahayd markii baarlamaanka dowlad deegaanka uu xasaanaddii ka xayuubiyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo dhawr kale oo shaqsiyaad ah oo loo heysto dambiyo kala duwan.

Jawar Maxamed oo ah hogaamiyaha kacdoonka Oromada ay xukunka ku qabsatay ayaa markii xasaanada laga qaaday Cabdi M. Cumar soo dhigay qoraal barta uu ku leeyahay Facebook ga isagoo sheegay in lagu maxkamadayn doono wax uu ugu yeeray dambiyadii uu ka galay koow Soomaalida iyo labo Oromada, hoos ka akhriso.

45d9a

45d9a2

45d9a1

45d8

Puntlandes.com

About The Author