Sawirro: Saraakiishii ugu badnayd ee Beesha Isaaq oo kasoo goostay Somaliland oo soo gaaray Garowe (Video)

27 Aug 2018 (Puntlandes) Caasimada dowladda Puntland ee Garowe  ayaa sheegaya in hada lagu soo dhaweeyey mmagaalada saraakiil ka soo goostay Ciidanka Maamulka Muuse Biixi.

Taliyayaashan ciidan ayaa dhamaantood kasoo jeeda Beesha Garxajis, waxayna kusii jeedaan Jamhada uu hogaamiyo Col Caare ee Saldhiga ku leh duleedka magaalada Qardho.

Taliyaasha soo goostay ayaa waxaa kamid ah Taliye Guuto, saraakiil iyo ciidamo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana qayb ka ah gaadiid dagaal oo ay wataan ciidamadani soo goostay.

Col. Muuse Axmed Yuusuf (Muuse Dheereye) oo hoggaaaminaya saraakiishan ayaa sheegay in ay u adkaysan waayeen cadaalad darrada baahsan ee ka jirta maamulka Muuse Biixi ee Somaliland, islamarkaana ay la dagaalamayaan cadaalad daradaas.
Daawo muuqaal

Daawo sawirro hordhac ah

45f1a3

45f1a3a

Puntlandes.com

About The Author