Madaxweynaha deegaanka Soomaalida oo magacaabay xilal sare oo ku jiraan taliyeyaasha ciidamada (Video)

27 Aug 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafa Omer ayaa xilalkii ka qaaday dhamaan Taliyaashii Ciidamada Booliska, Liyuu-ga (Milateriga), Nabadsugida iyo Madaxtooyada, magacaabayna xubno cusub

45d7

Madaxweynaha ayaa magacaabay xilal sare iyo taliyeyaasha ciidamada kala ah:

1- Mudane Khadar Jirde( Wasiirka Madaxtooyada)

2- Mudane Garaad Cumar Dool Xirsi (Maayorka Magaalada Jigjiga)

3- Maxamed Cabdi Qawsar (Taliyaha guud ee ciidamada Liyuu booliska)

4- Korneyl Cabdikariin ( kuxigeenka ciidamada Liyuu booliska)

5- Korneyl Sheekh Mukhtaar (Madaxa Sirdoonka)

6- Korneyl Cabdikariin Muuse (Taliyaha ciidamada Asluubta)

7- General Maxamed yare ( komishinerka komishinka booliska)

8- Maxamed Cabdi Guray (Kuxigeenka Komishinka.)

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa loo magacaabay Col. Cabdikariim Sheikh Muuse oo ay isku magac yihiin Qalbi dhagax. Cabdikariim Qalbi Dhagax oo hadlay ayaa sheegay in uusan ahayn qofka la magacaabay, balse ay isku magac yihiin.

Jen. Cabdiraxmaan Labo Golle oo mudo dheer ahaa taliyaha ciidamada Liyuu-ga ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo lagu bedelay Maxamed Cabdi Qawsaar.

Col. Farxaan oo ahaa madaxii booliska Ismaamulka Soomaalida ayaa xilkiisa waayay, waxaana loo haystaa in uu wax ka ogaa dhacdadii ka dhacday Jigjiga 4tii bishan. Waxaana bedelay Maxamed Yare sarkaal lagu magacaabo oo lakowsanaya Isbedelka cusub.

Madaxii Sirdoonka ee qarsoonaa ayaa labedelay, marar badan ayaa la raadiyey magaciisa dhabta ah,laakiin maaheyn nin si fudud lagu heli karay, sababtuna waxay ahayd Sirdoonka ay salka kuhayeen ee Itoobiya oo adkaa.

Mukhtaar Sheikh Macalin ayaa hadda loo nagacaabay booskan, wuxuuna la yimi isbedelka cusub, iyadoo horey loogu hadal-hayey taliyaha Liyuu police-ka.

Khadar Jigre oo horey isku day dil uga badbaaday waqtigii maamulkii Cabdi Illey ayaa hadda noqday Wasiirka Madaxtooyada, wuxuuna bedelay mid kamid ah Saaxiibadii M/weynihii hore haddana kula xiran Afdis Ababa.

Puntlandes.com

About The Author