Sawirro: Wasaaradda Deegaanka oo Mashaariic balaaran ka daahfurtay degmada Burtinle.

31 Aug 2018 (Puntlandes) Wafti balaaran oo uu hogaaminayey Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo ay kamid yihiin Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor, gudoomiyaha gobolka Nugaal Gol. Cumar Cabdullaahi Faraweyne, Xildhibaano katirsan golaha wakiilada DPL, agaasimeyaal katirsan wasaarada Deegaanka iyo xubno kamid ah hay’adda GIZ ayaa si diiran maanta loogu soo dhaweeyey degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Waftigan ayaa soo dhawaynta kadib la kulmay maamulka degmada Burtinle, Cuqaasha, Waxgaradka, aqoonyahanka, haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada Burtinle waxaana ay halkaas is rasmi ah ugu daahfureen mashaariic cusub oo laga fulinayo deegaanka kuwaas oo isugu jira biyo xireeno, sare u qaadida aqoonta dadka ee maamulka khayraadka dabiiciga ah, biyo weecino, waraabka dhirta,Weelaynta biyaha si looga baxo Haraadka iyo abaaraha  iyo ka faa’iidaysiga biyaha roobka waxaana Mashaariicdan balaaran iska kaashanaya wasaaradda Deegaanka DPL iyo hay’adda hormarinta wadanka Jarmalka u qaabilsan ee GIZ.

Sidoo kale waftiga ayaa si rasmi ah u daahfuray mashruuc cusub oo degmada Burtinle loogu samaynayo xarun balaaran oo dhirta lagu kobciyo taas oo ay wasaaradda Deegaanku ka fulinayso degmada, Wxaana ay Wasaaradu Deegaanku isla xafladaas ay ku wareejisay Maamulka iyo ilaalinta Biyo-xireeno qodaal ah oo ay wasaaraddu dhawaan ka dhistay deegaanada Gogol-madoone,Goolada iyo Beyra kuwaas oo ay la wareegeen howlaha maamulkeeda qaybaha kaladuwan ee bulshada deegaamadaas oo ku kalayaala gobolada Mudug iyo Nugaal.

Qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa si wayn usoo dhaweeyey mashaariicda ay wasaaradda Deegaanku ka bilowday degmada Burtinle waxaana ay ku tilmaameen inay yihiin kuwii ugu balaarnaa oo ay halmar Wasaaradi ka bilowdo degmada Burtinle iyo deegaanada ku dhowdhow.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

13a

14

15

16

17

18

19
Puntlandes.com

About The Author