Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray Muqdisho

30 Aug 2018 (Puntlandes) Waxaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo muddo sanad ka badan ka maqnaa dalka Soomaaliya.

45f6a2

Safarka Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu yimid kadib markii madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu safar dheer dalka kaga ambabaxay maalintii shalay.

Xasan Sheekh ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyey wasiiro ka tirsan Dowladda badan oo labada Aqal ka tirsan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha, ayaa waxaa wararka sheegayaan inay la xiriirto ka shaqeynta xisbi uu hogaamin doono, kaasi oo ka qeyb galaya doorashada soo socota ee ka dhacayso dalka Soomaaliya kaasoo lagu dhawaaqayo bartamaha bisha soo socota.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in inta badan xubnaha mucaaradka ay kamid noqon doonaan xisbiga cusub ee uu abaabulkiisa wado.

Puntlandes.com

About The Author